Xildhibaano Ka Tirsan DF Soomaaliya Oo Soo dhaweeyay Hadal Horay Uga Soo yeeray Madaxweyne Farmaajo!

Iyadoo Dhawaan Madaxweyne  Maxamed C/llahi Farmaajo Oo Amar ku bixiyey in Taliyayasha Ciidamada Dowlada Ay Shaqada Isaga Tagaan Hadii ay Wax Ka Qaban karin Amni Darada Kusoo Badatay Guddaha Muqdisho Ayaa Waxaa si iskumid ah usoo Dhaweeyay Qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya.
Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Goodax Oo kamid ah Xildhibaanada Dowlada Federaalka Ee Soomaaliya Oo la hadlay KNN ayaa sheegay in aya inta Badan Xildhibaanada Xukuumada Soomaaliya ay Tageereen Amarka Kasoo Baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo Isagoona Sheegay in ay Tahay In Lala Xisaabtamo Taliyayaasha Ciidamada.
Mudooyinkii Dambe Ayaa Guddaha Muqdisho Waxaa Ku Soo Badanaayey Dilalka Qorsheysan oo loo Geesto Shaqaalaha Dowlada iyo Dadka Rayidka ah Ee ku Dhaqan Magaalada Muqdisho.

Comments

comments