MUUQAAL: Yusur Abraar oo ka hadashay Xukuumada Cusub ee Soomaaliya iyo Halka ay ku Sugan Tahay, Maxayse ka tidhi Qabyaalada iyo Musuqa?

Drs. Yusur Abraar oo horey isaga Casishay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ay wakhtigan ku sugan Dalka Maraykanka,  Waxayna ka qayb Gashay Kulan lagu Qabtay Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio.

Iyadoo Taasi meesha ka saartay inay  Muqdisho u Joogto Xil ay ka Qabato Xukuumada Cusub, Sida ay warbaahinta Qaar kamid ah Baahiyeen, Waxayna Khudbad ay Halkaasi ka Jeedisay ugu mahad celiysay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku taageeray Go’aankii geesimo ee ay Qaadatay Wakhtigii ay ahayd Gudoomiyaha Bangiga Dhexe.
Dhinaca kale waxay Hadashay Xukuumada Cusub ee dhalatay Dalka Soomaaliya, Iyadoona Sheegtay inuu Waa Cusub u baryey Soomaaliya,  “Gacmo Wadajir ayay Wax Ku qabtaan,  Waa inaynu Taageerno Dawladda,  Wuxuu Alle ina Siiyey Karti Caqli iyo Dal wanaagsan oo Khayraad leh, ee aan ka Faa’iidaysano”.

Yusur ayaa Soomaalida ugu Baaqday inay Isaga Hadhaan waxyaabaha Dib u dhaca wayn u keenay  “ Hadal Bilaash ah,  Qabyaalad, Musuq iyo Qaad wax ma taraan, Hadii Intaasi wax Tarayaan Dayaxa ayaynu Tegi lahayn, Laakiin Dhulka ayay Ina Geeyeen, ee aan ka Gudubno”  ayay tidhi.

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments