WAR DEG DEG AH: Ciidamo gadoodsan oo caawo qabsaday kantaroolka Garowe!

Ciidanka Putland oo qarka usaaran inay afgabiyaan Dowlad Goboleedka Putland, Maamulkaas oo noqday kaligiis talis,

Ciidamo gadoodsan ayaa abaaro todobadii fiidnimo iyo badh ee caawo la wareegay Kantaroolka Koonfureed ee magaalada Garowe, sida ay sheegayaan Wararka hadda na soo gaaraya.
warar hor dhac ah waxay sheegayaan in ciidanka qabsaday kaantaroolka ay yihiin kuwii hore u qabsaday Baarlamaanka oo aan arrintooda weli la xalin.
Tilaabadaan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo maanta saraakiisha ciidanka daraawiishta Puntland ay sheegeen inay qaadidoonaan tilaabo haddii aan mushaarkooda lagasoo jawaabin.

Comments

comments