Ciidamada Garacyaal ka tirsan AMISOM oo dad rayid ah ku diley deegaan ka tirsan degmada Mahaday ee Shabeelaha Dhaxe!!

Wararka naga soo gaaraya  degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku dileen Dad Shacab ah, deegaan ku dhow degmada Mahaday qaar kalana ay soo ka kaxeysteen guryahooda xaywaantaan AMISOM ee hubaysan ayaa caadiyastay inay Shacabka Soomaaliyeed iska gumaadaan waa Gumaysi waalan oo ayna kujoogaan Madaxa Ururka Gumaadka Shacabka Soomaalyeed, waa labo cadow Alshabaab iyo walaashood AMISOM.

Labadan ruux ee la diley iyo kuwa la soo qabtay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo degenaa deegaanka Maguurto oo qiyaastii 9km dhinaca Bari kaga beegan degmadwa Mahaday.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Mahaday ee dhinaca amniga iyo siyaasada Cabdulle Shacleeye ayaa u xaqiijiyay shabakada jowhar.com falkan ay geysteen ciidamada AMISOM.

Kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayay meel ku dhow deegaanka Maguurto ayaa waxaa wadada u galay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab halkaas oo iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray.

Hase yeeshee ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in xoolo dhaqato degeneyd meel ku dhow halka wadada loogu galay ay rasaas ku fureen ayna ka soo qabteen dhalinyaro halkaa ku sugneyd.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Mahaday ee dhinaca ammaanka ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay xasuuqa ka daayaan dadka shacabka balse ay beegsadaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Hase yeeshee toddobaadkan ayay ciidamada AMISOM ku garaaceen madaafiic deegaanada ka xiga Bariga degmada Mahaday balse lama soo sheegin qasaare ka dhashay madaafiicdan.

Comments

comments