Dowladda Itoobiya oo Safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, kasoo ah Basaas hore Itoobiya u joogay Muqdisho!!

Dowladda Itoobiya ayaa is bedel ku sameysay Safiirkeedii Soomaaliya u joogay oo lagu magacaabo Wondimu Asamne, kaddib markii ee Heshay Basaas wayn oo kasoo jeeda Dhulka Soomaalida Ogaaden kaasoo ah dhul Soomaaliya ay Xooga ku haysato Qoomiyada Tigrayga.
Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horay u ahaa Safiir kuxigeenkii Itoobiya ujoogay Soomaaliya kasoo uqaabilsana Howlo basaasid madaama uu asalkiisa yahay Soomaaliya.

Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome lagu magacaabay Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Amb. Jamaaludiin Mustafa oo ah nin ka soo jeeda Deegaanka lahaysto ee Soomaalida Ogaaden, ayaa loo arkaa mid ay dowladda Itoobiya ku xoojineyso xiriir beeneedkeeda ee Soomaalida Maamuladeeda kuwaashay.

Sidoo kale Jamaaludiinka Mustafa ayaa waxaa uu yahay Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.
Jamaaludiin ayaa noqonaya Safiirkii labaad oo asalkiisu yahay Soomaali oo Itoobiya u soo magacawdo dowladda Soomaaliya, waxaa horay labo jeer Safiir u soo magacawday C/casiis Axmed Aadan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya xooga kuhaysato.

Safaaradda Itoobiya ayaa ku taal Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxay ka mid tahay 83 Safaaradood oo ay Itoobiya ku leedahay caalamka daafihiisa.

Itoobiya ayaa ah Cadowga koobaad ee Shacbiga Soomaalida ayna gaajaysiisay kadib markay ka xeratay biyaha Wabiga Shabeele oo yaraay.

Comments

comments