Fariin Culus oo ka timid Madaxwaynaha Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayip Erdogan!

Waxaa kulan wada qaatay Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo & Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somalia, wuxuuna u sheegay dawlada Turkiga kaalinta ay qaadan doonto dawlada Farmaajo hogaaminayo.
1) 6 Miillion oo doller ayuu sheegay inuu siin doono dawlada farmaajo si ay caqabada dhaqaale ee hor taagan uga gudubto.
2) Inuu dhamays tiri doono sanad ka ugu horeeya 10kun oo ciidan oo sida gaar ka ah u tababaran, kuwa bada, kuwa hawada, kuwa barigaba taas oo hada taagan gabagabdeedii.
3) Inuu shidaalka sida ugu dhaqsaha badan usoo saari doono meelaha uu ku jirana dhawaan la iclaamin doono.
4) Ardey kale oo badan inuu u kordhin doono siuu wax usoo baro dalkoodana ugu soo noqdaan.
5) Inuu maal galin caalami ah galiyo dalka shaqo abuur na u sameeyo dhalinyarada dalka ku bilaa camalka taas oo hore u shaqaysiiyey turkigu 10kun oo qof, dhamaantood waxay ka shaqeeyaan goobaha caafimaadka ee uu dhisay kuwa dawladaha, xafiisyada gaar ka ah, safaarada iyo kuwo kaloo badan oo shaqo badan laga helay.
5) Inuu sida ugu dhaqsaha badan gacan uga gaysan doono abaarta ba’an ee ay marayso dadka soomaliyeed, wuxuuna bartiisa twiterka ku qorey inuu somalia aad ugu damqanayo dhib kasta oo soo gaadha ishana ku hayo umada soomaliyeed sida danteedu ku jirtoh.
Dawlado badan oo reer galbeed ah ayaa waxay yiraahdaan Somalia waanu caawinaa, dhawaan Sweden waxay sheegtay inay 24 Million ay ugu deeqday abaarta Somalia laakin wali aan la arag lacagtaasi meeshay gashay.
Madaxwanahay Turkiga wuxuu muujiyey 6sano ee ugu danbaysay horumar laxaad leh ee ka sameeyey dalka Somalia, wuxuu dib u habayn ku sameeyey goobihii dawlada, goobihi caafimaadka, wuxuu ka dhistay Somalia safaarada aduunka ugu wayn ay ku leedahay dalka Turkiga caalamka,
Dawladi Xasan Sheikh wuxuu siin jirey 12Million sanadkii, ardey badan oo gaadhay 20kun ayuu scholership ugu yaboohay.
Yadoo abaar ba’an jirtoh 2011 ki amniguna khalkhal gashan yahay ayuu Erdogen kasoo degay dalka Somalia gaar ahaan caasimada taas oo ku noqotay Fajac caalamka.
Somalia Iyo Turkigu waxay noqden laba dal ee kaliya sida gaar ka u ah saaxiib, dhawaana wuxu wacad ku maray Madaxwanaha turkigu inuu sharfti iyo awoodii islaamka soo celin doono inta madaxiisa dhulka ka sareeyo.

W/ Qoray Mudane Sheeq Shariif Sheeq Axmed

Comments

comments