Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la wareystay isagoo kujira xabsi guri oo kuyaala Muqdisho!

Hogaamiyiha Ururkii hore ee Xisbul Islam Xasan Daahir Aweys; oo ku jira gacanta dawladda Faderaalka ,ayaa markii ugu horeysay muddo afar sano wareysi lala yeeshay isagoo ku jira xabsi guri.

Wargeyska The Star ayaa cinwaan ugaga dhigay wareysiga ay la yeelatay mid kamid ah weriyaasheeda “Kulankii aan la yeeshay argagaxiye la iloobay” Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu ku difaacay dagaaladii uu la galay dowlada Soomaaliya waxana uu sheegay inuu marwalba ku taagan yahay fikirkiisa ah in Shareecada Islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya.
Wariyahaan Michelle Shephard  oo Toronto Star ka tirsan ayaa markii labaad la kulantay  Shiikh Xasan Daahir Aweys iyadoo wareysigii kan ka horeeyay uu ahaa Shiikh Xasan hogaamiye kamid ah Maxkamadihii Islaamiga oo muddo lix bilood ah maamulayay magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhowdhow.

Xaaladda Shiikh Xasan  ayey sheegtay saxafiyadan inay aad u wanaagsan tahay sidoo kalana uu xabsi guri kula nool yahay xaasaskiisa iyo carruur gaareyso ilaa 28 qof, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa gacanta dowlada federalka Soomalaaliya ku jira tan iyo sanadkii 2013 xilligaa oo ay odiyaa dhaqameedyada beesha uu ka soo jeedo iyo dowlada  ay ku heshiiyeen in dowlada loo soo gacan geliyo kadib markii uu ka soo cararay ururka Alshabaab.

Xasan Daahir aweys ayaa gabadhaan wariyaha ah kula balamay inaysan qoraalkaan iyo sawiradaan faafin inta uu socdo wadahaladii lagula jiray dowlada Qadar ee la doonayay in Xasan Daahir loo masaafuriyo hase yeeshee markii dambe dhicisoobay.
Aweys ayaa si qoto dheer uga hadlay taariiqdiisa Maxkamadaha Islaamiga iyo Alshabaab oo ugu dambeyntii ay hogaamiyaasheeda ay is khilaafeen.”Toban sano kahor waxaan aaminsanaa in Soomaliya aan dhisi karo,balse maanta dowlada waa mid burbur ah,”ayuu yiri Shiikh Xasan.
Sheekadii dhex martay Xasan Daahir iyo Saxafiyadan ayaa waxaa uu ku weydiiyay Xasan inay carruur dhashay balse markii ay usheegtay inaysan waxba dhalin ayuu u bandhigay inuu siiyo mid kamid ah wiilashiisa taas waa sheeko le.
Wareysiga ayaa lala yeeshay Xasan Daahir Aweys  markii uu Madaxweyne ka ahaa dalka Maraykanka Obama dalka Soomaaliyana uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Saxafiyadan ayaa sheegtay inay aamisan tahay  in Xasan Daahir aan la saari karin maxkamad iyadoo lagu eedeynayo inuu yahay argagaxiso sababo la xiriira beesha uu ka soo jeedo ee Hawiye,waxayna dowladii hore ka baqday in haddii dambi lagu helo oo dil lagu xukumo cawaaqibka ka dhalan kara.

Xasan Daahir Aweys oo la weydiiyey sida uu u arko waxyaabihii uu sameeyey intii uu kamid ahaa Xisbul Islaam iyo Al-shabaab, wuxuuna Shiikha sheegay inay aheyd wax sax ah go’aankaas dadkii shacabka ahaa ku dhintayna aan si kas ah loo dilin, maadama dowladduba iyo AMISOM ay shacab badan dileen.

Sheekh Xasan Daahir oo wax laga waydiiyey Xarakada Al-Shabab iyo inuu isaga kamid ah ayuu sheegay inuusan ka mid aheyn balse uu si weyn uu taagersan yahay, wuxuuna ku dooday inuu farqi u dhaxeeyo inaad ka tirsan tahay iyo inaad taageersan tahay.

“Isku cadow ayaan ahayn Alshabaab sidaas ayaana qasabtay in aan hal meel uga soo wada jeesano la dagaalanka dowlada iyo inta ku gaban.”ayuu yiri Xasan Daahir.
Ugu dambeyntii Shiikh Xasan ayay weydiisay saxafiyadan inuu haysto fikirkiisii toban sano kahor balse waxa uu ugu jawaabay inay iyadaba ka jawaabto su’aashaas.

Comments

comments