Faah Faahin: In ka badan 5 ruux oo ku geeriyootay qaraxii Maanta agagaarka loogaystay Hotel Wehliye!!

In ka badan 5 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen qarax goor dhoweyd ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay banaanka Hotelka.

Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ayaa isugu jiray dad wadada marayay iyo dad fadhiyay hareeraha wadada oo goobo ganacsi ku yaalay.
Sii hayaha xilka Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy oo warar soo baxayay ay sheegayeen in gaarigiisa lala eegtay qaraxa ayaa sheegay in aan isaga goobta joogin, balse labo ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in xilliga qaraxa dhacayay ay wadada aheyd mid gaadiid kala duwan ay marayeen, isla markaana khasaaraha uu intaas ka badan karo.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in xaalada goobta ay tahay mid caadi ah, isla markaana qaraxa kaddib aanay dhicin waxyeelo kale.
Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo saacado gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, saaka ayaa waxaa qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay meel u dhow xero ciidan, iyadoo gaariga uu qarxay, kaddib markii ciidamada ay rasaas ku fureen, kaasoo doonayay inuu xerada soo galo.

Comments

comments