“Sawiro”Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo Salaad Roob doon ku dukaday xarumaha Jaamacadda

Waxaa maanta xarumaha Jaamcadda Muqdisho lagu tukaday salaad roob doon ah oo Alle lagu waydiisanayay inuu raxmadiisa ugu deeqo dadka abaaraha iyo biyo la’aanta ay haystaan ee ku nool gobolada dalka.

Ardayda iyo Macalimiinta ayaa Alle weydiistay in dhibaatadan ka soo saaro umadda Soomaaliyeed, isla markaana Alle raxmadiisa uu haleelsiiyo dadka abaarta daran ay sameysay.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa todobaadkii hore iclaamiyay in dhamaan bahda Jaamacadda isu tagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg dega ee la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaarta ku dhifatay.
Guddoomiyaha Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ahna Guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda ee dhanka xiriirka Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) ayaa sheegay in salaada roob doonka ee maanta la dukaday ay  daah fur u tahay hawshii lagu balamay, isagoo ardayda kula dardaaramay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan
Waxaa uu sheegay in mar kasta iyo xaalad kasta loo baahan yahay in la badiyo ducada inuu Alle dadka roob u keeno.
Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ma ahan markii ugu horaysay ee ay hawlahaan oo kale ka qayb qaataan, waxa ay hore gargaar u gaarsiiyeen fatahaadihii ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe sanadkii 2006, abaarihii dhacay sanadka 2011 iyo 2013-ka.
 
Ugu dambayn Jaamacadda Muqdisho waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan maamulka, macalimiinta, ardayda dhigata jaamacadda iyo kuwa ka qalan jabiyay shaqaalaha iyo saaxiibada jaamacada dhamaantood inay u istaagaan sidii walaalhood dhibaataysan ay kaalmooyin ugu fidin lahaayeen.
Fadlan ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda iyo kuwa haatan dhigta, saaxiibada jaamacadda iyo inta khayrka jacel ee soomaaliyeed in ay adeegsan karaan akoonadaan hoos ku qoran ayna kusoo diri karaan qofwalba waxa uu awoodo ee karaankiisa ah.
Dahabshil Bank:            MOG0008555
Salaam Bank:               30032889
Premier Bank:                020300017008
EVC :                            61-8454111
61-8454114arday

arday1

arday3

Comments

comments