Burcad badeed rer Putland ah oo afduubtay markab weyn oo shidaalka qaada!!

Burcad badeed Soomaali ah ayaa Badweynta Hindiya ka soo afduubtay Markab weyn oo kuwa shidaalka qaada ah, iyadoo markab la geeyay xeebaha deegaanka Caluula ee Puntland.

Markabkan ayaa la sheegay inuu yahay markab fanacsi oo watay calanka dalka Imaaraadka Carabta, sida Idaacada VOA ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Puntland.
 
Dadka deegaanka Caluula ayaa ku waramaya in Markabkan labo maalin ka hor uu soo gaaray xeebta Caluula, waxaana la ogeyn dadka saaran.
Illaa 8 ruux ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen howl galka Afduubka, iyadoo markii la geeyay deegaanka Caluula ay u tageen dhalinyaro kaluumeysato ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka afduubtay ay yihiin dhalinyaradii badda ka kaluumeysanayay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay dhibaatooyin kala kulmayay maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada Badda Soomaaliya.
Howl galada burcad badeedka ayaa hoos u dhac ku yimid saddexdii sano ee u dambeeyay, waxaana yaraaday afduubkii maraakiibta.

Comments

comments