R/Wasaaraha Kheyre iyo Wasiiro Oo ka qeyb galay Isu soo bax Roob Doon ah Daawo Sawirro!!

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre , Xildhibaano ,Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ,Saraakiil ciidan, iyo masuuliyiin ayaa maanta dad badan oo shacab ah kala qeyb galay dukashada salaad roob doon ah .

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shacabka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Salaad Roob doon iyo duco ah, in Abaarta alle ka dulqaado umadda.

Xasan Cali Kheyre oo shacabka la hadlay salaada kadib, ayaa ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan, si wada jir ahna Allaah u baryaan in abaarta Alle uu ka dulqaado shacabka, isaga oo u duceeyay dadka ay abaartu ku dhufatay, isaga oo Allaah ka baryay inuu roob iyo barwaaqo ugu badalo abaarta.

Qaar ka mid ah wadaadada waaweyn ee dalka oo iyaguna shacabka la hadlay ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu ka qeyb qaato taakuleynta dadkaasi abaarta u le’anaya, waxayna si gaar ah uga codsadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan gargaarka loo fidinayo shacabkaasi.

robdon_1

robdon_2

robdon_3

robdon_4

robdon_5

robdon_6

robdon_7

robdon_8

Comments

comments