Wararkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirada iyo Shaxda Wasiirada ee maamulada dalka ku leeyihiin!!

Waxaa socda diyaar garowgii u dambeeyay ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku doonayo inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, waxaana durbaba soo baxaya shaxda Wasaarado qaar oo qaab awood qeybsi ah u heleen maamul goboleedyada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heleyso warbaahinta ayaa la sheegay in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada, iyadoo dib u dhac uu ku yimid waqtigii lagu waday in lagu shaaciyo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ka hor inta aanay Madaxda dowladda safaro dibadeed ugu ambabixin lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa culeysyo kala kulmaya qabaa’ilka waa weyn iyo Wasiirada muhiimka ah ee ay xusul duubka ugu jiraan, waxaana wararka qaar sheegayaan in Wasiirada muhiimka ah qaab maamul goboleed lagu qeybiyay.
Wararka horu dhaca oo ay heleyso warbaahinta ayaa waxa ay tahay in Wasiirada ugu muhiimsan ay maamulada dalka ku heleen sidan:
1- Puntland: Wasiirka Difaaca
2- Somaliland: Wasiirka Maaliyadda
3- Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda
4- Galmudug: Arrimaha Gudaha
5- Jubbaland: Amniga
6- Hirshabeelle: Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiir
Illaa saddex haween oo horay uga soo muuqday Xukuumadihii hore ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Xukuumaddan cusub, iyagoo helaya xilal muhiim ah.
Ilo wareedyada muhiimka ayaa sheegaya in Wasaarado cusub lagu soo kordhin doono Xukuumadda, sida Dalxiiska, Duurjoogta, Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta, Deegaanka iyo aafooyinka.
Dad badan ayaa dhowraya ku dhawaaqista Xukuumaddan, iyadoo durbaba ay soo baxayaan shaqsiyaad loo calaamadeynayo Wasaaradaha qaar.
Xukuumaddan cusub ayaa ka duwnaaan doonta Xukuumadihii hore dalka u soo maray, marka loo eego tirada iyo Wasaaradaha ku soo kordhay.

Su´aasha meesha ma taalo ayaa ah qaabkee loo samay doonaa Cadaalad? maadaama Gobolada Koofur bes ee ogol yihiin Dowladimada halka Maamulada kale ee u indho cadeynaayaan Sida dowlada kale camal.

marka haduu xaalka sidaas yahay awoodiina sida loo qaybsanaaya, maxaa u diidaaya in Dakaddaha iyo garoomada Canshuurteeda in loo qaado qaab ah si simman??

Comments

comments