Daawo Muuqaal: Xildhibaanada Jubaland oo loo qaaday Nairobi iyo Axmed Madoobe oo Hadal Cajiib ah ka Jeediyey!!

Faragalinta Kenya ee Gobolada Jobooyinka iyo Axmed Madoowe oo isku wareersan waxaana lagu qasbay inay hoostagaan Caasimada Kenya, Axmed Madoowe ayaa ah mid ee Kenya deen ku leedahay madaama Qabiilkiisa ku yar Jobooyinka lagu garabsiiyay inay xoog ku qabsadaan Awooda Deegaanada Maamulka Jubba.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubaland ayaa Tababar loogu soo xidhay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, Waxaana  Hadalo kala duwan kasoo jeediyey Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Kenya.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ka Qayb galay Munaasibadii Tababarka loogu soo xidhayey Xildhibaanada ayaa sheegay inay Jecel yihiin in dalka Gudihiisa loogu qabto Tababarka, Balse ay muhiim tahay inay Dadka Soomaaliyeed ay wax kasoo bartaan dalalka kale sida ay u shaqeeyaan iyo sida dadkoodu ay u dhisteen.

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments