Halkee buu marayaa mooshinka laga wado Madaxweynaha Koofur Galbeed ?

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa ku guda jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee mooshinka ay ka keeneen Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyagoo ugu baaqay Guddoonka Baarlamaanka inuu furo kalfadhiga Baarlamaanka.

Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed ayaa waxay kaga hadleen mooshinka iyo baaq ay u jeediyeen Guddoonka Baarlamaanka, waxaana ay sheegeen in Hoggaanka Koofur Galbeed uu ku fashulmay wax u qabashada shacabka ay abaaruhu iyo colaada aafeeyeen.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Xasan inuu waqtigiisa ku dhameystay diyaarad, isla markaana fara gelin ku haayo howlaha dowladda Federaalka.
Waxaa ay ugu baaqeen Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed in 20-ka bishan uu furo kalfadhiga Baarlamaanka, si loo guda galo waajibaadka shaqo ee hor-yaala.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxay uga digeen Hoggaanka sare ee Booliska Koofur Galbeed oo ku guda jira howlo ka baxsan waajibaadkiisa shaqo, waxaana ay ka digeen in lagu xadgudbo xasaanadda Xildhibaanada
Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa mudoonyinkii ugu dambeeyay Xildhibaanno ka trisan baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya ay ka wadeen mooshin ay kaga doonayaan inay xilka kaga tuuraan, waxaana la filayaan in bishaan gudaheeda uu furmo kala fadhiga Golaha wakiilada maamulkaas.

Comments

comments