War Deg Deg ah:- Sargaal Itoobiyaan ah oo Isku Daldalay Dalka Soomaaliya Qaasatan Gobolka Gedo!

Wararka ka imaanaya Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Sargaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya uu Saakay isku Daldalay Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Garbahaarey.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in Sargaalka Itoobiyaanka ah uu Degmada Isku Daldalay,waxaana la sheegay in Sargaalka is dilay loo diiday Fasax uu ku aado Qoyskiisa oo degen Magaalada Addis ababa islamarkaana uu Go’aansaday inu Nafta isdhaafiyo.
Diyaarad ah kuwa Qumaatiga u Kaca ayaa Meydkiisa looga soo qaaday Sargaalka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,waxaana la keenay Magaalada Baydhabo.
isla Maanta ayaa la sheegay in Sargaalkaan Meydkiisa loo duulin doono  Magaalada Addis ababa ee Wadanka Itoobiya

kiiska Baqtigaas ayaa u eg inuu Sarkaal isku daldalay Gedo balse lama oga inay daldaleen kuwa kale ee Tigrayga ah oona awood ku haysta Ciidanka Amxaarada iyo Kuwa Oromada.

Comments

comments