Booliska Australia Oo Toogasho Ku Diley Wiil Soomaali ah Oo Fal Afduub ah geystay

Booliska Australia ayaa toogasho ku diley muwaadin asalkiisu Soomaali ahaa ka dib markii la sheegay in uu afduub u geystey haweeney duleedka magaalada Melbourne, sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadashay booliska, wiilkan ayaa la sheegay in magaciisu yahay Yacquub Kheyre horena dhismo ku yaala magaaladaasi ku afduubay qof dumar ah ka hor inta ay boolisku toogasho ku dilin.

Kheyre ayay boolisku toogasho ku dileen is rasaaseyn dhex martay isaga iyo booliska, weerarkaasi waxa sidoo kale ku dhaawacmay sadex arkari. Taliyaha booliska gobolka Victoria, Graham Ashton ayaa sheegay in Kheyre uu Tv-ga magaaladaasi ku yaala uu telefoon kula hadlay, isaga oo uu sheegay in weerarkaasi uu ku matalayo kooxda Dowladda islaamka. iyadoo markii dambena Kooxdaasi sheegatay inay ka dambeeyeen afduubka.

Comments

comments