DEG DEG: Magaalada muqdisho oo laga maqlay madaafiic lagu garaacay isbartiibada…..

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw madaafiic lagu garaacay garoonka kubadda cagta ee muqdisho stadium halkaasi oo sladhig u ah ciidamada amisom.

Tiro madaafiic ah oo lagu qiyaasay ilaa seddex madfac ahaa ku dhacday gudaha isbartiibada waxaana la ogeyn qasaaraha ciidamada amisom ka soo gaadhay madaafiicda lagu garaacay xeradooda.

Dadka ku nool xaafaddaha ka agdhaw isbartiibada ayaa ka baqdin qaba in madaafiic haboow ah ay guryahooda ugu yimaadaan kuwaasi oo loo wado isbartiibada oo saldhig u ah ciidamada AMISOM.

Ilaa iyo hada lama fahansana halka laga soo tuuray madaafiicdaan iyo cida soo tuurtay toona waxaase loo maleynaya in xaafaddaha muqdisho qaarkood laga soo tuuray ayna ka dambeeyaan maleeshiyada alshabaab oo inta badan madaafiicda ku garaaca xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada amisom.

 

Comments

comments