Wafdi ka socda dowladda sacuudiga oo kusoo wajahan magaalada muqdisho maxayse u imaanayan?

Warar si hoose ay u heleyso shabakada wararka kowtharmedia.com ayaa waxa ay sheegayan in boqortooyada sacuudiga ay muqdisho usoo direyso wafdi heer sare ah oo dowladda federaalka kala xaajooda arimaha khilaafka dalalka khaliijka.

Wafdigaan ay boqortooyada sacuudiga usoo direyso soomalia waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibadda sacuudiga Caadil Al-Juber.

Marka ay muqdisho soo gaaraan waxa ay kulamo la qaadan doonan mas’uuliyiinta dowladda federaalka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Dowladda soomalia ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka u dhaxeeya dalalka khaliifka qaarkood iyo dowladda qadar waxaana go’aankaas inbadan ka carooday sacuudiga oo doonaayay in soomalia ay si lamid ah dalalka carabta ay xiriirka u jarto wadanka qadar.

Xubnahaan sacuudiga ay usoo direyso soomalia ayaa waxa ay markale isku dayi d0onan in madaxweyne farmaajo ku qanciyaan in uu ka laabto go’aankii ay dowladdiisa horay u gaadhay ayna cilaaqaadka u jarto qadar.

Maalintii shalay waxaa muqdisho soo gaaray wafdi ka socda dowladda qadar waxaana hogaaminaayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar waxaana wafdigaasi ay kulamo la qaateen madaxda dowladda.

Wafdiga ayaa waxa ay la kulmeen ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre waxaana ay ka codsadeen in soomalia aysan ka laaban go’aankii ay horay uga qaadatay khilaafka dalalka khaliijka ka dhex taagan.

Comments

comments