Akhriso: Waa maxay cudurka macaanka ama sonkorowga (Diabetes Mellitus)?

 

CUDURADA MACAANKA IYO DHIIG-KARKA.

 

  • Hordhac

Kani waa buug kooban oo si nidaamsan uga hadlaya cudurada macaanka ama sonkoroowga iyo cudurka dhiig-karka, waa mid aan ugu tala galay iney ka faa,iideystaan dhamaan umada soomaaliyeed meel weliba ay dunida ka joogaan, waxaa soo kordhay cuduradaan mudooyinkaan dambe taas oo mushkilad ku noqotay dad badan oo soomaali ah taasina waa baahi kale oo muhiim ah si ay wax uga ogaadaan cuduradaan halista ku ah nolosha.

CUDURKA MACAANKA AMA SONKOROWGA

  • Waa maxay cudurka macaanka?………………………..
  • Maxaa sababi kara?…………………………………………….
  • Calaamadaha lagu garto cudurkani………………………………………
  • Sida uu caalamka ku yahay cudurkani……………..
  • Xiriirka cayilka ama buurnida iyo cudurkani……………………………..
  • Dhibaatooyinka uu keeni karayo………………………
  • Sida loo baaro cudurkani………………………………….
  • Sida lagula tacaalo cudurkani…………………………

 

Waa maxay cudurka macaanka ama sonkorowga (Diabetes Mellitus)?

Macaanku waa cudur waqti dheer kula soconaya taas oo ka dhalatay sare u kac ku yimid sonkorta ku jirta dhiiga (Hyperglycaemia).

 

Waxaa ka qeyb qaata in sonkorta ku jirta dhiiga sare u kacdo:

  • Hadii uu yaraado dheecaanka loo yaqaano insulin oo laga soo saaro ganaca (Pancreas) isagaa qaabeeya ama nidaamiya sonkorta kana ilaaliya sare u kaca (Hyperglycaemia) markaan isticmaalno cuno. Marka cunada isticmaasho waa la burburiyaa waxaana laga soo saara sonkor (Glucose) si tamar (Energy) looga helo xiidmaha (Intestines) ayaa nuuga kadibna waxaa loo qeybiyaa jirka qeybihiisa kala duwan iyada oo loo marsiinayo dhiiga(Circulation) si ay tamar uga helaan inta soo hartana waxaa lagu keydiyaa beerka (Liver) si markaad baahato tamar uga hesho .
  • Hadii isticmaalka sonkorta uu yaryahay (Utilization) iyo soo saarista (Production) oo badan waxey keeni kartaa in sonkorta sare u kacdo (Hyperglcaemia). Tusaale ahaan cuno badan markaad isticmaasho fadhigaaduna uu badanyahay ama socodkaadu yaryahay (inactive) waxaa ka imaanayo qalad (imbalance) oo ah in tamartii jirka ku jirtay ee sonkorta aheyd aan laga faa,iideysan waxey keeni sonkortaadu iney sare u kacdo maxaa yeelay waxaad heysataa sonkor badan iyo dhaq dhaqaaqii (Activity) loo baahnaa in lagu gubo oo meesha ka maqan.

 

Maxaa sababi kara?

Marka hore Cudurka macaanka ama sonkorowga wuu qeybo badanyahay laakin waxaa ugu muhiimsan labada qeyb ee kala ah

  • Nuuca koowaad (Type 1)
  • Nuuca labaad (Type 2).

 

Nuuca Koowaad (type 1)

Qeybtaan koowaad waxaa maqan dheecaanka insulin waxaa jira bur bur xoogan ee ganaca (pancreas) gaar ahaan qeybta Beta cells oo ah unugyo kujira ganaca kuwaas oo masuul ka ah soo deynta dheecaanka insulin kaas oo muhiim u ahaa qaabeynta ama nidaaminta sonkorta si qaladka lagaga gaashaanto oo ah in sonkortu sare u kacdo ( Hyperglycaemia) bukaanada cudurka macaanka ama sonkorowga la,il daran 10% waxey qabaan nuuca koowaad (Type 1).

Bur burkaan waxaa keeni kara

  1. Unugyada difaaca jirka oo weerar ku qaada ganaca (pancreas) kadibna bur buriya (Autoimmune).
  2. Si aan lagaraneyn bur bur ugu yimaada xubinta ganaca (Pancreas) waxaa loo yaqaan (Idiopathic).

Nuuca labaad (Type 2).

Qeybtaan  dheecaanka insulin wuu jiraa xubinta ganaca-na (Pancreas) cilad kama jirto sidaas oo ay jirto dheecaanka insulin mashaqeynayo sababtuna waa dhibaato kajirta unugii ka jawaabi lahaa fariinta dheecanka insulin (Insulin resistance) si uu u howl galo.

Waxey ku badantahay nuucaan labaad dadka buuran sababtuna waa dufanta ayaa carqalad gelinaysa shaqada dheecaanka insulin.

90% bukaanada la,il daran cudurka maacaanku waa nuuca labaad.

Calaamadaha Lagu garto Cudurkani

Wey adagtahay in si faah-faahsan looga hadlo calaamadaha cudurka macaanka ama sonkorowga . laakiin waxaan halkaan ku soo bandhigi doonaa calaamadaha ugu waaweyn ee uu leeyahay waxaana kamida

  • Kaadi badan (polyuria)
  • Oon badan (Polydipsia)
  • Cuno badan (Polyphagia)
  • Miisaanka qofka oo hoos u dhaca gaar ahaan nuuca koowaad (Type 1).
  • Tabar dari guud

Mar mar wax calaamad ah malahan (Asymptomatic) . waxaa muhiim ah qof kaste oo ehelkiisa qabay cudurka macaanku ay u wanaagsantahay inuu marwelbo baaris caafimaad sameeyo ( Medical check-up) maxaa yeelay ehelka ( family) dhaxal ahaan ( Genetic)  wey u soo gudbiyaan cudurka macaanka gaar ahaan nuuca koowaad (Type1) oo ah midka ugu dhibka badan.

 

Sida uu caalamka ku yahay cudurkani (Epidemiology)

Xadiga cudurka caalamka oo dhami (Prevalence Rate)  30 million cases ayaa lagu sheegay 1985 , 2010-kiina wuxuu gaaray 285 million cases waa sare u kac ballaaran. International diabetes federation (IFD)  gudigaan waxey sheegeen in 2030 tirada dadka sokorta qaba ay gaari doonaan 438 million cases.

Waxaa soo badanaya xadiga cudurka macaanka labadiis nuucba, laakiin waayahaan dambe nuuca labaad (Type2)  ayaa soo kordhaya sababtuna waxaa jira isbedel xaga nolosha insaanka ah (Life-style change) , sida buurida ama cayilka (Obesity) , socodka oo yaraaday ama dhaq dhaqaaqa (loss of activity) iyo da,ada korodha (Aging).

The centers for disease control and prevention (CDC) 2010 cilmi baaris (Research) ay ka sameeyeen USA waxey ku ogaadeen 28.5 million ama 8.3% oo kamid dadka reer USA iney qabaan cudurka macaanka ama sonkorowga weliba ~27% oo kamid lama ogeyn iney qabeen cudurka  (Undiagnosed).

 

Xiriirka Cayilka ama buurida iyo Cudurkani

Inta badan dadkaa buuran waxey halis ugu jiraan cudurka macaanka ama sonkorowga nuuca labaad (Type 2).

Sababtuna waxaa weeyaan waxaa ku badan jirkooda dufanta (Fat) taas oo keeni karta iney xayirto shaqada dheecaanka insulin iyaga oo buuxinaya booska dheecaankaas uu ka howl gali lahaa (Insulin resistance) .

Marka dheecaanka insulin laga soo saaro ganaca (Pancreas) si uu u howl galo wuxuu u baahanyahay unugyo aad u dareen badan (Receptors) waa unugyo muhiim u ah shaqada insulin sidaa darteed dufantu waxey ka buuxsami doontaa unugyadaas taas oo keeni doonta in shaqada dheecaanka insulin ay xayiranto.

Waxaa talo wanaagsan ah in qofka buuran (Obesity) uu sameeyo miisaan dhimis iyo juhdi (Exercise)  si uu u uga hortago halista iney ku dhacdo cudurka macaanka.

Body mass index (BMI) waxaa lagu xisaabiyaa cufnaanta jidhka bini aadamka inta uu la,egyahay waxaana lagu helaa;

  • BMI=weight(Kg)/Height^2 tusaale ahaan qof ayaa culeyskiisu waxa uu yahay 65kg dhirirkisuna 1.7 m qofkaan BMI=65kg/1.7^2=22.5 waa standard.

 

U fiirso saddexdaan qof ;

  • Mid BMI-giisu waa 18.5-25 qofkaan isaga ah ma buurna (Standard) waa meeeshii loo baahnaa
  • Midna BMI-giisu waa 25-30 wuu buuranyaha (Overweight) laakiin madarna
  • Midna BMI-giisu waa >30 waa buuri xad dhaaf ah (Obesity).

Qofkaan isaga ah wuxuu halis ugu jiraa iney ku dhacdo cudurka macaanka ama sonkorowga hadii uusan sameyn miisan dhimis.

Nuuca koowaad (Type1) isaga inta badan waa la,iska dhaxlaa oo dadka bahwadaagta ahi (Consanguinity)  wey isu gudbiyaan, waxaa lasoo calaamadeeyay in human leukocyte antigen (HLA) waa hide sidayaal  afar xaraf ka kooban A,B,C,D kuwaas oo kujira chromosome-ka 6aad waa meesha ciladu ay kajirto ,  bahwadaagtuna HLA system-koodu waa iskumid  kala duwnaansho wey dhici kartaa laakiin ma badna.

Dhibaatooyinka uu keeni karayo cudurkani

Dhibaatooyinka uu keeni kaarayo hadaanan si fiican loola tacaalin waxaa kamid ah;

  • Shaqada wadnaha oo hoos u dhac ku yimada (Heart failure)
  • Kelyaha ayeey baabi,isaa (Nephropathy)
  • Indha beel ayeey keentaa (retinopathy)
  • Dhiig-kar ayey keentaa (Hypertension)
  • Maskaxda ayey saameysaa (Cerebral vasclar infarcts)
  • Neerfaha ayey saameysaa (Neuropathy)
  • Kaadi mareenka ayey saameysaa iyo xubinta taranka
  • Xiidmaha ayey saameysaa
  • bukaanada qaba cudurka macaanka dhaawacoodu mabogsado sababtuna waxaa weeyaan dhiiga xubinta soo gaari lahaa ayaa yar
  • Hoos u dhaca ku yimaada unugyada difaaca jidhka qaabilsanaa

(Immunocompromised)  taas oo keeni karta jeermigu si fudud inuu ku soo galo jidhka (Infections).

Sida Loo Baaro Cudurkani

Cudurka macaanku ama sonkorowga baaritaanada lagu ogaado waxaa ugu muhiimsan in qofka laga baaro inta sonkor (Glucose) oo jirkiisa ku jirta.

Sonkorta waxaa laga baari karaa dhiiga ama kaadida, sida caadiga ah sonkorta ku jirta jirka aadmiga waxey u dhaxeysaa 4 illaa 8 mmol/L oo u dhiganta 70 ilaa 150mg/dL.

 

Labada qaab ee loo baaro sonkortu waa;

  1. In dhiiga laga baro;

Sonkortu waxaa la baaraa adigoo gaajeysan (Fasting blood glucose) iyo adiga oo wax soo cuneyba (Random blood glucose)

Haddii adiga oo gaajeysan 8 saac ilaa iyo 10saac sonkortaadu ka badato marka la baaro kadib 126mg/dl oo u dhiganta 7.0mmol/L waxaad qabtaa cudurka macaanka ama sonkorowga.

Haddii lagaa cabiro adiga oo caadi ah kana badato 200mg/dL oo u dhiganta 11.1mmol/L waxaad qabtaa cudurka sonkorowga.

Waxaa loo baari karaa si kale oo ah in afka lagaa siiyo 75gram oo sonkor ah 2saac kadibna lacabiro haddii sonkortaadu ka badato 200mg/d Loo u dhiganta 11.1mmol/l waxaad qabtaa cudurka macaanku ama sokorowga, barista nuucani ah waxaa lagu ogaadaa imisa sonkor ahi ayuu jirkaadu u dulqaadan karaa

(Glucose Tolerance Test).

  1. In kaadida laga baaro sonkortu kaadida waa laga baari jiray si loo ogaado inaad qabto cudurka macaanka ama sonkorowga laakiin waayahaan dambe waa laga tagay ina sonkortu laga baaro kaadida kadib markii la,arkay in dhiigu uu ka sahlan yahay laguna kalsoonaan karo (Accuracy).

Sida Lagula Tacaalo cudurkani ,,,,, Management,,,.

1-Waxaan ku hormari doonaa sida lagula tacaalo nuuca labaad Type 2-ga

Qofka qaba sonkorta nuucaan ah Waxaa haboon inuu wax ka bedelaa sida uu u noolyahay ( life-style change)  . maxaa yeelay Waxaa ku badan dufanta jirka taas oo keentay iney dhacdo (insulin resistance) oo ah in dufantii howl gab ka dhigto shaqada dheecaanka insulin.

Waa in uu dhimaa miisanka jidhkiisa si dufanta u yaraato , exercise oo ah juhdi sameyn ,socod badan waqtiga qaboowg ah , cunada inuu si taxadar leh u isticmaalo .

Qeybta kale waa inuu isticmaalaa daawo sida metformin, sulphanylurea iyo thiazolidenidiones Oo iyagu hoos u dhiga xadiga sonkorta ee dhiiga ku jirta.

2-Nuuca koowaad type1 Waxaa lagula tacaalaa inta badan daawooyin u dhigma shaqada insulin maadaaba dheecaankaasu meesha ka maqanyahay,

Waxaa la isticmaalaa inta badan analogue insulin oo ah daawo u dhiganta insulin hormone, waa cirbada insulin taas oo buuxin doonta shaqada dheecaanka insulin ee ahaa inuu nidaamiyo sonkorta dhiiga ku jirta si looga gaashaanto in sonkorta dhiiga ku jirta ay badato (Hyperglycemia).

Cunada qofka sonkorta qaba (Diet Therapy)

QURAAC:

  • Canjeero ama rooti ka sameysan qamadi ama masago (Qamarshiid) oo 50gram ah, ku iidamo saliid (Macsaro) halqaado ama koosto,yaanyo (Dalac bilaash) ama digir la dalacay (Fuul).
  • Qudaar nuuca cagaaran sida ansalaatooni, bagal,karooto,basal iyo liin dhanaan
  • Qaxwo ama shah lagu daray kaniiniga macaaneeye(Sweat diet).

QADO:

  • Bariis 80gram/baasto 80gram ama soor qamar shiid ah 80gr.
  • Hilib jiir ah 80gram+saxan qudaar ah intaad rabtid.
  • Jeex liimo bambeelmo 100gr ama tufaax 100gr.

CASHO:

  • Digir, salbuko, sareen ama misir + halqaado saliid macsaro ah.
  • Muufo 50gr oo qamar shied ah, canjeero 50gr ama rooti 50gr oo qamadi ka sameysan + digir la dalacay ama ansalaatooni + 2 ukun oo biyo lagu karshay.
  • Saxan cagaar iyo hal bakeeri oo caano ah.

Cunada La,iska ilaaliyo

  • Sonkor, malab,malmalaado,nacnac iyo jalaato
  • Cunada ladubo sida doolshaha iyo buskudka
  • Cabitaanka qaboow oo ay sonkortu ku jirto
  • Xididaaley sida baradhada iyo bataati macaan
  • Cunada dufanleyda sida farmaajaha, saliida, ootkaca ama baradhada lashiilay
  • Cunada bududada ee la warshadeeyay
  • Miraha aadka u mac sida mooska, cambaha, canabka iwm
  • Miraha kale sida timirta iyo qumbaha
  • Cabitaanka nooca la xarfiiyey sida casiirada iyo caanaha wax lagu daray(Milk Shakes).
  • Hilib xubneedka sida beerka am kili, shahaarka, ukunta iyo aargoosatada
  • Saliida waa iney xadidantahay
  • Cunada teeda gasacadeysan ama miraha gasacadeysan waa in laga fogaadaa

Cunnada sida xadidan loo qaadanayo

  • Sallida raashiinka lagu darsanayo Waxaa la ogolyahay ilaa sadex qaado
  • Hilib malaay ama digaagad 50gram biyo lagu kariyay ama ladubay labo ilaa sadex mar ayaa isbuucii la ogolyahay
  • Miraha sida bambeelmada, tufaaxa iyo qaraha Waxaa la qaadan karaa 100gram maalintii
  • Caanaha 400ml maalintii ayaa la qaadan karaa
  • Cabitaan sida kuwa qumbaha
  • Yaanyada si xadidan ayaa loo qaadan karaa
  • Cusbadu waa in la xadidaa

Waxaa aad u haboon in qofka qaba sonkortu ama macaanka uu isla socdaa xaaladiisa ( Controlling) hadii kale waxaa ka dhalan karta xaalad xun.

Dhamaad

La soco qeybta labaad oo aan uga hadli doono cudurka dhiig karka

 

W/Q: Ali Isse Ali

 

Email:Caliciise_3@hotmail.com

Caliciise114@Gmail.com

Comments

comments