Dhageyso: Dowladda federaalka oo sheegtay in ku dhawaad 50 dhalinyaro ah oo shabaabka ka soo goostay ay isa soo dhiibeen

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in tan iyo markii madaxweyne farmaajo uu cafiska u fidiyay alshabaab in dowladda ay isku soo dhiibeen shabaabkii ugu badnaay mudo yar.

Wasiirka Wasaaradda Gaanshaadhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo wareysi gaar ah siinaayay VOA-da ayaa sheegay in dowladda ay isku dhiibeen in kabadan 50 dhalinyaro ah oo shabaab ka soo goostay .

Wasiirka wuxuu sheegay in dhalinyaradaan da’dooda ay u dhaxeyso 15-ilaa 20 sano waxaaa ay ka faa’iideysteen cafiska madaxweynaha uu horay ugu fidiyay dhalinyarada shabaabka ku jira.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dhalinyarada badankood ay iska soo dhiibeen gobollada koonfurta hiiraan ilaa baay inta u dhaxeysa shabeellada hoose.

Dhalinyaradaan ayuu sheegay wasiirka in wacyi galin loo sameyn doono si looga tirtiro qaladaadkii shabaabka kusoo shubeen.

Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiirka gaashaandhigga 

Comments

comments