AMISOM oo fal wuxuushnimo ah ku tilmaamtay weerarkii xalay lagu qaaday pizza house

Howlgalka midowga afrika ee soomalia ee AMISOM ayaa si kulul uga hadlay weerarkii alshabaab xalay ku qaaday maqaayada pizza house ee dagmada hodan.

Wakiilka midowga afrika ee soomalia Ambassador Francisco Madeira ayaa cambaareeyay weerarkaasi wuxuuna ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah.

Ambassador Francisco Madeira ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay Qaraxyo Ismiidaamin ah la beegsadaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah ee aanan waxba galbsan.

“Al-shabaab waa cadowga shacabka Soomaaliyeed, mar walba waxa ay beegsadaan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, sida weerarkii xalay oo kale ujeedo ma uusan laheyn, Ciidanka ammaanka waxaan ku amaanayaa qaabka ay uga jawaabeen weerarkaasi, AMISOM mar walba waxay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda” ayuu sheegay wakiilka.

Comments

comments