Daawo Sawirro: Askar ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxeysa shil gaari oo ka dhacay magaalada muqdisho.

Gaari cabdi bile-ah iyo gaari shacab ah ayaa waxa ay iskula dhaceen inta u dhaxeysa KM0 iyo Garoonka Kubadda Kolleyga ee Wiish Stadium ee magaalada Muqdisho.

Shilka waxaa ku dhaawacmay laba askari oo kamid ahaay ciidamadii gaariga cabdi bilaha ah la socday.

Mid kamid ah askarta shilka ka bad baaday ayaa sheegay in darwalka gaariga u waday uusan laheyn qibrad horayna uu seddex jeer shil usoo galiyay askarta.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada shilka 

Comments

comments