DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya alshabaab iyo ciidamada dowladda oo hada ka socda duleedka dagmada balcad

Wararka ka imaanaya dagmada balcad ee gobolka shabeellada dhexe ayaa waxa ay sheegayan in dagaal culus uu hada ka socdo duleedka dagmada balcdad.

Dagaalka waxa uu u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa alshabaab waxaana la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa waxa uu ku bilowday ka gadaal markii alshabaab qarax miino u dhigeen mid kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidamada dowladda qaraxana uu la kacay gaariga,

Qaraxa waxaa ku dhintay laba askari halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen lix kale oo ciidamadii gaariga la socday kamid ah.

Intaasi kadib waxaa qaraxa xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha alshabaab welina waa socdaa dagaalka sida aan wararka ku heleyno.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maadama weli rasaas laga maqlaya goobti lagu diriray.

Ciidamo dheeraad ah oo gurmad ayaa gaaray halka uu dagaalka ka socdo waxaana saraakiisha ay sheegeen in ay iska caabiyeen dagaalamayaasha alshabaab.

Comments

comments