Akhriso: General gabre oo xil culus looga magacaabay urur goboleedka IGAD

Col. Gabre Egziaber oo ah Sarkaal Itoobiyaan oo la shaqeynaayay Urur goboleedka IGAD ,islamarkaana dadka Siyaasadda la socdaa ay sheegaan in uu saameyn ku lahaa Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa loo magacabaay Xil cusub ka dib markii dhawaan laga qaaday Xilkii uu ka hayay Arrimaha Soomaaliya ee IGAD.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.

Col. Gabre ayaa horay uga tirsanaan jiray Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warqada ku cad mushaarka uu qaadanayo oo noqon doonta $7015.63 (Todobo kun iyo shan iyo toban dhibic lixdan iyo saddex oo dollar)

Col. Gabre ayaa xilligii uu ka tirsanaa Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaa uu mushaarkiisa ahaa lacag dhan Shan kun oo dollar, balse haatan mushaarkiisa uu dalacay.

Comments

comments