Daawo Sawirro: Ciidamada xasilinta caasimadda oo bilaabay howlgal weji cusub ah

Howlgalka xasilinta caasimadda muqdisho ayaa aad loo kordhiyay waxaana la arkaya ciidamada ammaanka oo howlgalo adag ku jira.

Ciidamada ayaa baaraya dhamaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale waxaana ciidanka ay sidoo kale baaritaan ku sameynayan dad weynaha baabuurta saaran.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii pizza house ciidamada ammaanka ayaa aad u adkeeyay ammaanka caasimadda waxaana ay laba jibaareen howlgaladii magaalada ay ka wadeen.

Waddooyinka qaar aad bay ciriir u yihiin, gaadiidkuna waxay galayaan saf aad u dheer, wuxuuna gaari walbo sugayaa inta la baarayo.

Meelaha sida aadka ay ciidamada u baarayanaa, socodka dadweynuhuna ku badan yahay ayaa ah wadada dheer eek a tagtay Isgoyska Bakaaraha ee gasha tan Dabka oo daqiiqado badan kugu qaadaneyso inaad halkaasi marto, wadada u dhaxeysa aargada KM-4 iyo Isgoyska Taleex, iyo sidoo kale jidka dheer ee Taleex kana yimaada dhanka carwada.

Halkaan ka daawo sawirrada 

Comments

comments