Sawirro: Koonfur galbeed oo baydhabo kusoo bandhigtay ragii toogashada ku dilay Sheekh Madeer Sheekh Madgaab

Magaalada baydhabo waxaa maanta lagu soo bandhigay rag lagu soo eedeeyay in shabaab ay ka tirsanyihiin kuwaasi oo habeen ka hor wadaad sheykh ah ku dilay masjid ku yaala baydhabo.

Ragaan oo seddex ahaay ayaa habeen ka hor waxa ay masjidka ku dhex dileen shiikh Sheekh Madeer Sheekh Madgaab oo kamid ahaay ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka.

Shiikha la dilay ayaa xiliga la tooganaayay wuxuu tukanaayay salaada taraawiixda dableey bastoolado ku hubeysan ayaana toogatay.

Howlgal ay ciidamada ammaanka koonfur galbeed ka sameeyeen xaafaddaha baydhabo ayaa ragaan lagu soo qabtay lamana shaacin magacyada ragaan.

Ku simaha wasiirka amniga K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la hayo caddeymo ku filan dadkaan oo ah iney dilkaasi ka dambeeyeen.

Ragaan maxkamad ayaa la soo taagi doona sida mas’uuliyiinta maamulka koonfur galbeed warbaahinta u sheegeen.

Comments

comments