Sawirro: Ra’isul wasaaraha oo garoonka aadan cadde kula kulmay wafdi ka socda boqortooyada UK

Ra’isul wasaare xasan cali kheyre ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay wasiirka  Horumarinta Caalamiga ee boqortooyada UK Ms Priti Patel.

Kulanka wuxuu ka dhacay garoonka diyaaraddaha aadan cadde ee magaalada muqdisho waxaana ra’isul wasaaraha kulanka ku wehlinaayay xubno golaha wasiirada ka tirsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay doorka UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray taageerada ay UK siiso soomalia iyo sidii ay usii xoojin laheyn taageeradaasi.

Wasiirka  Horumarinta Caalamiga ee boqortooyada UK Ms Priti Patel ayaa balan qaaday in UK ay soomalia dhinacyo badan oo horumarinta ah ka taageeri doonto.

 

Comments

comments