Sawirro: Dhalinyaro is xilqaantay oo ol’ole nadaafadeed ka bilaabay maqaayada pizza house

Iyadoo dhawaan weerar qasaaro geestay lagu qaaday maqaayada pizza house ayaa waxaa weerarkaasi sidoo kale ka dhashay bur bur xoogan oo soo gaaray dhismayaasha pizza house.

Maalmo yar ayaa laga jooga weerarka ay shabaab ku qaaday pizza house waxaana saakay halkaasi ka bilowday ol’ole nadaafadeed .

Ol’olahaan waxaa bilaabay dhalinyaro is xilqaantay oo gobolka banaadir ku nool waxaana ay ol’olahaan ku sheegeen soo nooleynta pizza house.

Qasashinkii daadsanaay goobtii qurxooneyd ee dadka ay isku sawiri jireen ayaa dib loo nadiifinaya waxaana dhalinyaradaan ay balan qaadeen in ay dib u dayactiri doona pizza house.

Weerarkii Hotel Pizza House, waxaa ku dhintay dad gaaraya 28 ruux oo isugu jira raggii meesha soo weeraray, ciidamo ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah oo xilligaasi Hotelka ku sugnaa.

Comments

comments