Kenya oo dalkeeda ka badbaadisay qatar weyn oo shabaab uga soo socotay iyo rag gacanta lagu dhigay

Dowladda kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan alshabaab oo qorsheynaayay in weeraro ay ka geestaan gudaha dalka kenya.

Booliska kenya ayaa shaaciyay in ragaasi ay doonayeen in maalmaha ciida ay weeraro ka geestaan magaalada nairobi ee caasimadda dalka kenya.

3-kamid ah ayaa lagu qabtay degaanka Voi waxaana booliska ay soo bandhigeen magacyadooda iyo sawiradooda.

Qof kale oo lagu magacaabo Mohamed Anguzo ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi loomana kaxeen dhinaca Mombasa dacwadiisa Nairobi ayaa lagu qaadi doona.

Waxaa baxsaday qof shanaad oo ilaa hada aan la ogeyn meesha uu joogo,ciidamada la dagaalanka argagexida ayaa u dhacay guryo dadkaan ay ku jireen oo degaanka Voi ku yaala.

Comments

comments