Sawirro: Xildhibaanada labada aqal ee beesha Mudullood oo xalay la kulmay wasiirka amniga

 

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xalay waxa uu anfurin u sameeyay xildhibaano ka tirsan labada aqal oo ka soo jeeda beesha Mudullood .

Guriga wasiir isloow ayuu ka dhaay kulanka anfurka ah ee loo sameeyay xildhibaanada labada aqal ee beesha Mudullood ku abtirsada.

Kulanka oo ahaay is xog wareysi ayaa waxaa xildhibaanada iyo wasiirka amniga gudaha ay uga wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso marxalada ammaan ee dalka uu hada ku jiro.

Wasiir isloow ayaa xildhibaanada uga warbixiyay qorshaha nabadeynta caasimadda iyo xasilinta ee ka socda magaalada muqdisho iyo weliba sidoo kale qorshaha hub ka dhigista.

Wasiirka ayaa sidoo kale xildhibaanada ka codsaday in ciidamada ay la shaqeeyaan marka ay magaalada dhex socdaan waxaana xusid mudan in wasiirka uu horay xildhibaanada ugu qabtay mudo 14 cisho ah in ay kusoo diiwaan galiyaan askarta ilaalada u ah iyo hubka ay wataan.

Ugu dambeyn xildhibaanada labada aqal ee wasiirka uu anfurka u sameeyay ayaa ka mahad celiyay kulanka uu wasiirka ku casuumay waxaana ay sheegeen in ay tahay wax loo baahanyahay in markasto la iska wareysto marxaladda uu wadanka maraayo.

Comments

comments