Akhriso: Magacyada mas’uuliyiin badan oo ku dhawaacantay weerarkii ismiidaaminta ahaay ee ka dhacay wadajir

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dagmada wadajir ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen qaraxii ismiidaaminta ahaay ee ka dhacay xarunta dagmada wadajir.

Warar hada soo baxaya ayaa sheegaya ilaa shan mas’uul oo dagmada wadajir ka tirsan ay ku dhaawacmeen weerarka ismiidaaminta ah.

Halkaan hoose ka aqriso mas’uuliyiinta qaraxa ku dhaawacantay.

1:- Gudoomiyihii degmada wadajir cumar cabdulahi qaanso.

2:-Xog hayihii degmada sharmarke tuur yare.

3-Madaxi sama falka degmada axmed calasow dhegacade.

4-Gudoomiyihii sports ka degmada wadajir

5-maxamed catoosh mucalimow iyo abshir cali colow oo kamid ah shaqala degmada.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa Macalin dahir tifow afrax oo kamid ah ganacsatada degmad wadajir.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa waxaana ay sheegeen in hadafkii ay ka lahaayeen uu fulay .

Qaraxaan wuxuu kusoo beegmaya iyadoo dowladda ay shaacisay in maalintii shalay gacanta ku dhigtay madaxii amniyaadka alshabaab C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).

Comments

comments