Daawo Sawirrada: Qasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay dagmada wadajir oo sii kordheysa

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weerarka, ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, waxaana uu burbur xooggan u geystay xarrunta degmada.

Gaariga qaraxay ayaa waxa uu ahaay homey ama caasi nooca caanaha qaada waxaana u suurta gashay in uu gudaha u galo xarunta dagmada maadama baabuurta caanaha lagu canshuuro gudaha dagmada wadajir.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay guddoomiyaha dagmada wadajir iyo qaar kamid ah ilaaldiisa waxaana lasoo sheegaya in dhaawaca guddoomiyaha uu yahay mid fudud galabtana la rajeynaayo in cisbitaalka laga soo saaro .

Shabaab ayaa markii ugu horeysay weerar ismiidaamin ah ku qaaday mid kamid ah dagmooyinka gobolka banaadir waxaana weerarkaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaadhay mas’uuliyiin, askar iyo dad shacab ah.

Comments

comments