Daawo Sawirro: Ciidamada ammaanka puntland oo duqeeyay saldhig weyn oo shabaab ay ku lahaayeen….

Wararka ka imaanaya gobolka bari ee maamulka puntland ayaa waxa ay sheegayan in dagaal uu dhexmaray alshabab iyo ciidamada puntland.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Buuraha Calmadow ee gobolka Bari waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka intiisa badan wuxuu ahaay mid la isku adeegsaday hoobiye waxaana labada dhinac ay isku tuureen tiro madaafiic ah.

Taliska ciidamadda amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa sheegay in weerar ay qaadeen ay ku burburiyeen saldhigyo ururka al-shabaab ay ku lahaayeen buuraha galgala ee Cal-madow.

Taliska ayaa sheegay in weerar lagu qaaday subaxnimadii hore ee shalay saldhigyo shabaab ku leeyihiin buuraha galgala .

Taliska wuxuu kaloo sheegay in ay bur buriyeen saldhigga shabaabka ayna gaarsiiyeen qasaaro kala duwan.

“Ciidamada Amniga Puntland (PSF)  waxay saaka 19 June, 2017 weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow,Puntland Weerarkan ay ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen goobahaas ayaa waxay ugu geysteen cadowga Al Shabaab khasaare xooggan oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho; waxayna ku burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaystaan cadowga Al Shabaab oo ku yaal Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay barta facebooka ay ku leeyihiin ciidamada PSF-ta ee puntland.

 

Comments

comments