DEG DEG: Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari ayaa goordhaw ka dhacay magaalada muqdisho

Wararka aynu ka heleyno dagmada wadajir ayaa waxa ay sheegayan in qarax xoogan uu goordhaw ka dhacay afaafka hore eex arunta dagmada wadajir.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa la sheegay in uu ku qarxay meel aan ka fogeyn irida hore ee xarunta dagmada wadajir.

Gaari caasi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday ruux naftii hure ah ayaa isku qarxiyay albaabka xarunta waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Lama oga qasaaraha inta uu la egyahay balse goob joogayaal ayaa sheegaya in dad ay daadsanyihiin halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay dowladda federaalka ay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay madaxii amniyaadka alshabaab ciise tarabuun waxaa sidoo kale qaraxaan uu kusoo beegamaya iyadoo dowladda federaallka ay gabi ahaanba xirtay waddooyika jidcadayaasha ah ee dhexmara xaafadaha muqdisho.

La soco wixii kusoo kordhaa insha allah

Comments

comments