UPDATE: Guddoomiyaha dagmada wadajir oo ku dhaawacmay qarax xoogan oo ka dhacay xarunta dagmada

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay albaabka hore ee xarunta dagmada wadajir.

Qaraxa waxaa la sheegay in uu fuliyay ruux naftii hure ah oo watay gaari caasi ah lagana soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Warar hada soo baxaya ayaa waxa ay sheegayan in qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiyaha dagmada wadajir Cumar C/llaahi Xasan.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah ilaalada guddoomiyaha dagmada wadajir .

Qaraxa wuxuu dhacay xili guddoomiyaha iyo ilaaladiisa ay kasoo baxayeen xarunta dagmada wadajir.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee shacabka soo gaaray waxaana xarunta dagmada ka agdhaw Suuqa weyn oo xiligaas aad mashquul u ahaay maadama xiliyadaan oo kale suuqa mashquul yahay oo dadku ay isku diyaarinayan munaasabadda ciidul fidriga.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan ayaa ka mid ahaa Guddoomiyeyaashii bishii la soo dhaafay loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu dhowaan xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee degmadaas Axmed Cabdulle Afrax.

Comments

comments