Madaxweyne farmaajo oo saacadaha soo socda ka ambabaxaya muqdisho xagee ku wajahanyahay?

Madaxweynaha soomalia maxamad c/llahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ku wajahan wadanka uganda.

Madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la filaya in maanta ay ka ambabaxaan magaalada muqdisho iyagoona ku wajahan magaalada kampala ee caasimadda dalka uganda.

Madaxweynaha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni waana booqasho horay loo sii shaaciyay.

Labada madaxweyne ayaa ku kulmi doona qasriga madaxtooyada uganda ee magaalada kampala waxaana ay ka wada hadli doonan arimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo iskaashiga,ammaanka iyo dhaqaalaha .

Uganda waxaa soomalia ka jooga ciidamo aad u badan oo kamid ah howlgalka nabad ilaalinta amisom.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa sanadkii 2011, isagoo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare inuu Kampala u tagay heshiiskii la magac baxay Kampala Accord ee sababta u ahaa inuu is casilo, kaddib markii ay is qabteen madaxdii xilligaas, iyadoo dowladda Uganda ay soo fara gelisay khilaafkaas.

 

 

Comments

comments