Daawo Sawirro: Qasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaay ee lagu weeraray saldhigga dagmada waabari

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga dagmada waabari ee gobolka banaadir.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof natii halige ah ayaa waxaa lagu dhuftay albaabka hore ee saldhigga dagmada waabari.

Inta la ogyahay 6 Qof oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeryootay Qaraxaasi, kuwaasi oo marayay wadada laamiga ah ee Saldhiga uu ku yaallo, xilliga uu qaraxa dhacayay, Askartana waxa ay  ku sugnaayeen Saldhiga Degmada Waaberi.

Halka uu qaraxa ka dhacay waa meel ay aad ugu badanyihiin ciidamada xasilinta caasimadda waana meel istaraatiiji ah waxaana la ogeyn ilaa iyo hada sida ay ku suurta gashay in gaari qarax wada uu ku qarxo saldhigga dagmada waabari.

Comments

comments