DEG DEG: Wasiir ku dhaawacmay qaraxii lagu weeraray saldhigga waabari+magaciisa iyo sawirro

Faah faahino kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayan qaraxii ismiidaaminta ahaay ee maanta lagu weeraray saldhigga dagmada waabari ee gobolka banaadir.

Qaraxa oo ahaay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa lagu dhuftay darbiga saldhigga waabari.

Qaraxa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay 8 ruux halka dhaawaca uu ka badanyahay 10 ruux sida goob joogayaal ay sheegeen.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka jubbaland shiikh maxamed yuusuf Aw-libaax.

Wasiirka waxaa la sheegay in uu maraayay wadada marka uu qaraxa dhacaayay wuxuuna watay gaari waxaana soo gaaray waxyeelada qaraxa ka dhashatay.

Dhaawaca wasiir Aw-libaax ayaa la sheegay in uu culus yahay waxaana hada lagu dabiibaya mid kamid ah cisbitaalada muqdisho.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira haween badan oo marayey waddada iyo qaar ka mid ah ilaalada saldhigga.

Comments

comments