DEG DEG: Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha oo goordhaw u geeriyooday dhaawac maanta soo gaaray

War hada soo dhacay ayaa waxa uu sheegaya in daqiiqado ka hor uu geeriyooday allaha ha u naxariistee wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka jubbaland shiikh maxamed yuusuf Aw-libaax.

Wasiirka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo maanta ka soo gaaray qaraxii lagu weeraray saldhigga dagmada waabari.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka jubbaland ayaa k24 u xaqiijiyay geerida wasiir shiikh maxamed yuusuf Aw-libaax.

Wasiirka ayaa maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada caasimadda ah ee muqdisho balse ajashiisa ayaa maanta u timid wuxuuna ku dhintay qarax shabaab ay ku weerareen saldhigga dagmada waabari ee gobolka banaadir.

Comments

comments