DEG DEG: Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga dagmada waabari

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw lagu weeraray saldhigga dagmada waabari ee magaalada muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay darbiga saldhigga dagmada waabari oo ku yaala wadada maka almukarama.

Saldhigga dagmada waabari waxa uu u dhawyahay isgooyska dabka wuxuuna ku yaala maka al-mukarama oo ah wado aad u mashquul badan.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa waxaana la sheegay in qaraxa qasaaro dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhashay.

Baabuurta gurmadka deg dega ah ayaa kusii qul qulaya saldhigga gudahiisa waxaana halkaasi laga soo saaraya ciidamo ku waxyeeloobay qaraxa.

La soco wixii kusoo kordhaa insha allah

Comments

comments