Sawirro: Sidee madaxweyne farmaajo loogu soo dhaweeyay dalka uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala halkaas oo ay uga qeybgali doonaan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Barlamaanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa inta uu booqashada ku guda jira waxaa uu la kulmi doonaa madaxda Uganda iyo wufuuda kale ee shirka ka qeybgalaysa.

Comments

comments