UPDATE: Shir deg deg ah oo hada u socda ra’isul wasaare kheyre iyo hogaanka ciidanka xasilinta caasimadda

Ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre ayaa shir deg deg ah isugu yeeray hogaanka ciidanka xasilinta caasimadda.

Shirkaan deg dega ah ayaa waxaa looga arinsanaya ammaanka caasimadda oo maalmihii ugu dambeeyay faraha ka baxay iyo qaraxii maanta lagu weeraray saldhigga dagmada waabari.

Ra’isul wasaaraha ayaa hogaanka ciidanka xasilinta caasimadda weydiin doona sida ay ku dhacday in qarax lagu weeraro saldhigga waabari oo ah meel ay ammaankeeda inbadan sugayan ciidamada xasilinta .

Ra’isul wasaaraha ayaa sidoo kale saraakiisha weydiin doona waxa sababay in laga hortagi waayo weerarada qaraxyada ah ee shabaab muqdisho ka geesanayeen labadii maalmood ee ugu dambeysay.

 

Comments

comments