Alshabaab oo weerar xoogan ku qaaday banki ku yaala gudaha wadanka kenya

Dagaalamayaal la rumeysanyahay in alshabaab ay ka tirsanyihiin ayaa weerar ku qaaday gobolka wuqooyi bari ee dalka kenya.

Dagaalyahanada ayaa weeraray bangi ku yaala degaan u dhaxeeya Mandhera iyo Ceel-waaq, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Ceel-waaq.

Bankiga la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Equity Bank waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay weerareen xarunta bankiga.

Weerarka wuxuu dhacay saakay aroortii wuxuuna socday dhowr daqiiqo markii shabaabka ay la dagaalameen ciidamada ammaanka kenya oo usoo gurmaday bankiga.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo kenyaan ah ayaa dagaalka ku dhintay waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo dad shacab ah.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa dib uga laabtay deegaanka waxaana ciidamada kenya ay bilaabeen howlgallo shabaabka lagu baadi goobaayo.

 

Comments

comments