Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda federaalka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 June 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa, kaas oo saaka subax nimadii ka soo kici timay magaalada Gaalkacayo.

Kahor kulanka ayaa waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Wasiirka iyo weftigiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaalada Garoowe.

Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa siwada jira ula hadlay bulsha magaalada Garoowe, waxaana ay si isku mida uga hadleen muhiimada ay leedahay kawada shaqaynta amniga iyo is dhexgalka bulshadda Soomaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland Mudane. Axmed Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland markasta diyaar u yihiin is dhexgalka shacabka soomaaliyeed iyo sidii laysaga kaashanlahaa sugida amaanka Dalka, waxaana uu sidoo kale xushay in dawladda Puntland diyaar u tahay kawada shaqaynta waxkasta oo masiir u ah horumarka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa oo shacabka magaalada Garoowe uga mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee ay ku qabileen maanta isaga iyo weftigiisa ayaa kubooriyey shacabka Puntland inay iska kaashadaan nabada iyo xasiloonida ay Puntland ku caanbaxday, isla markaana ay markasta diyaar u ahaadaan sidii ay cadawgooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Comments

comments