Akhriso: Deegaanno iyo dagmooyin ka tirsan gobollada dalka oo laga arkay bisha shawaal

Wadamada islaamka qaarkood ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha shawaal .

Wadamada sacuudiga ,imaaraadka,qadar,maleeshiya iyo dalal kale ayaa laga arkay bisha shawaal waxaana beri ay noqoneysa maalinta koowaad ee ciidul fidriga.

Dalka soomalia meelo badan ayaa laga arkay bisa shawaal bilashadeeda waxaana kamid ah meelaha laga arkay,dagmada matabaan ee gobolka hiiraan,deegaan hoostaga magaalada balcad ee gobolka shabeellada dhexe iyo xeta dagmooyinka gobolka banaadir qaarkood sida dayniile iyo dagmada kaaraan ayaa la sheegay in bisha laga arkay.

Inkasto bil qaris uu jiray hadana dadka bisha arkay ayaa umadda u xaqiijiyay in beri ay tahay maalin ciid ah ayna sidaasi ula socdaan.

Waxaan idin kugu hambalyeyneynaa bilashada bisha shawaal ama soonfur ciid mubaarak ayaana leenahay dhamaan Akhristayaasheena sharafta badan.

Comments

comments