Korneyl Cabdi rashiid Barre Gurxan oo lagu dilay gurigiisa oo ku yaala dagmada ceel-waaq

Wararka ka imaanaya dagmada ceel-waaq ee gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayan in dableey hubeysan ay galabta gabal dhicii gurigiisa ku dhex dishay sargaal ka tirsan milatariga soomalia.

Sargaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaayay Cabdi rashiid Barre Gurxan oo kamid ahaa taliska ciidamada xooga dalka ee gobolka Gedo.

Kooxda dilka geestay ayaa waxaa la sheegay in ay gudaha ugu galeen sargaalka kadibna ay rasaas la dhaceen marka ay xaqiiqsadeen in uu dhintay ayey goobta ka carareen sida ay warbaahinta u sheegeen dad qaraabada kamid ah.

Maamulka gobolka gedo iyo kan dagmada ceel-waaq ayaa waxa ay ka hadleen dilka Cabdi rashiid Barre Gurxan waxaana ay tacsi u direen ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay.

Comments

comments