Ciidanka Xoogga dalka oo gubay Maandooriyaal kala duwan

Ururka Xasilinta Gobolka Mudug ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay ka sameeyeen ayaa waxa ay ku oo qabqabteen Maandooriyaal kala duwan, waxaana lagu gubay fagaare ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Howlgalinta Ururka Xasilinta Gobolka Mudug Khaillf Nuur ayaa sheegay in Maandooriyaha uu hormuud u yahay amni darada mararka qaar ka dhacda Magaalada Gaalkcyo.

“Ururka xaslinta Gobolka Mudug ayaa waxa ay soo qabteen Maandooriyaal kala duwan, fidnada Gobolka Mudug oo dhan waxa ay ka bilaabataa waxyaabahan Maanka dooriya, dadkii lagu soo qabtayna way xiran yihiin.” Ayuu yiri Khaliif Nuur.

Sidoo kale Dhame Khaliif Nuur ayaa sheegay in Howlgallada nuucaan oo kale ah sii wadayaan, isaga oo shacabka uga digay in ay waxyaabahan oo kale ay soo geliyaan Magaalada.

Bulshada ku nool Gobolka Mudug ayaa si isku mid ah u aaminsan in dadka isticmaala Maandooriyaha ay horseed u noqdaan marksta dhibaatooyinka ka dhasha amani darada, taasi oo mararka qaar keenta colaad ka dhex abuuranta shacabka.

Comments

comments