Xildhibaan Axmed Fiqi “Madaxweynuhu wuxuu dareemay muhiimadda baaqyadii kala duwanaa iyo in khatar dalku ku socdo”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay soo jeedintii Madaxweynaha ee lagu hakiyay shirkii Baarlamaanka ee loo balansanaa, isagoo xusay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu ciyaaro kaalin weyn, si arrinta taagan daacadnimo u soo galo.

Axmed Fiqi Waxaa uu sheegay in farriin kaga timid Guddoomiye Jawaari oo ahaa in kulankii maanta loo balansanaa uu baaqday, kaddib codsi ka yimid Madaxweynaha

“Waxaa muuqata in Madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin, Waxaan rajaynaynaa in madaxweynuhu kaalin ka weyn shir la hakiyo uu cayaaro, si daacadnimo ahna arrintan u soo galo”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay si mas’uuliyad leh ay ugu soo baxeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan, ayna ka turjumeen dareenkooda sida uu hadalka u dhigay.

“Xaaladda dalka ka taagan ma ahayn mid la daawan karo, mana ahan waxa socda wax laga raali noqon karo ciddii damiir leh, balse waxaa muhiim ah in la kala garto cidda dalkaan u naxaysa iyo kuwa manaxayaasha ah ee aan wax dan ah ka lahayn burbur ku yimaada hey’adaha dawladda”ayuu yiri Xildhibaanka.

Comments

comments