AMISOM oo ka baxday degaanka Cali Fooldheere iyo Shabaab oo qabsaday

Qaar ka mid ah dadka degaanka waxay xaqiijiyeen in ciidamada AMISOM ay isaga baxeen degaanka Cali Fooldheere oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Degaankaasi ayaa  inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay soo qaadaan ciidamada Al Shabaab.

Gaadiidka dagaalka ciidamada AMISOM ayaa saaka ka soo ruqaansaday degaankan, waxaana la sheegay inay u soo dhaqaaqeen dhanka Degmada Mahadaay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qabsadeen degaankaasi markii ay ka baxeen ciidamada AMISOM, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta keentay in ciidamada ay ka baxaan degaankaasi oo ku yaalla meel muhiim ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay  Hirshabeelle oo ku aadan ka bixida ciidamada AMISOM Degaankaasi.

Comments

comments