Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha ciidamada.

Kormeerka waxaa Ra’iisla wasaaraha ku wehliyey Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ku xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Booliska iyo wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Taliyeyaasha ciidanka Booliska ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre kulan kula yeeshay Xeebta Liido, kaas oo ku aadanaa sidii hawlaha nabadgalyada loo xoojin lahaa.

“Kormeer aan kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaan kusoo arkay shacab jecel dawladdooda, waxaan u sheegay inay la shaqeeyaan saraakiisha amniga ee wakhtiga badan ku bixinaya sugidda amniga si looga guulaysto Cadawga Soomaaliyeed” ayuu yiri Kheyre ka dib kormeerka oo uu warbaahinta la hadlay.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dadka ganacsanayey xilliga habeenkii ka waraysanayay, nolosha magaalada, waxaana uu ciidamada ku dhiiri galiyey inay adkeeyaan halwgalada ka dhanka ah Shabaab,

Mudane Xasan Cali Kheyre iyo masuuliyiinta wehlinayey ayaa si gaar ah u kormeeray degmooyinka Xamar Weyne iyo Shibis, waxaana sidoo kale Xeebta Liido ay kula caweeyeen Bulsho halkaasi ku sugneyd oo si nabad ah waqti ugu qaadanayey xeebta.

Comments

comments